Maamulka G/Shabeellada Hoose oo bilaabay dib u dhiska Deegaanadda Sabiid iyo Caanoole

Date:

Sabiid iyo Caanoole ayaa hada waxaa ka socdah dadaalo dib loogu soo celinayo goobah aas aasiga ah sida  Isbitaalada Xaruumaha Waxbarshada ,dugsiyada Qur’anka saldhigayada  Booliiska,kaddib markii ay gacanta ku dhigeen ciidanka dowlada soomaaliya oo ay meeleshiyaada  Al shabaab  kala wareegeen.

Ciidanka xooga  iyo dadka deegaanka ayaa waxay sii wadajir ah u bilaabeen hawlo dib loogu dhisayo deegaanaadda Sabiib iyo Caanoole  waxanaa la gaarsiyay  Alaabtaha loogu talgalay in lagu fuliyo ka qeyba qadashada dhanka Nadaafadda iyo dhismaha  deegaanaadda .

Dadka ku nool Sabiid iyo Caanoole  ayaa agaabka la garsiyay waxaa loo qorsheeyey in lagu dayac tiro Guryaha, Masaajidda, goobaha Malcamadahii ay burbuiyeen Al-shabaab iyo Nallaal  looga saarayo mugdigii ay ku dhuumaaleysan jireen nabad-diidka shabaab.

Dadweynaha deegaan ayaa isu soo baxay si loogu qeybinyo ayna uga howlgalaan dib u dhiska deegaankooda, dhulka waa xilli roobeed, waa mid Dhiiqo badan laakiin, tan oo muujineysa in dadwyenuhu ay doonayaan ka faa’ideysiga Barwaada uu Alle u manneystay.

Maamulka gobolka Shabeellada Hoose waxa uu dadaalka adag ugu jiraa sidii uu kaalintiisa u buuxin lahaa, isla markaana loo abuuri lahaa nolol ay dadweynuhu ku shaqeystaan, loogana baxo baahidii iyo colaadihii ay argagixisada ku hayeen shacabka Sabiid iyo Caanoole, sida uu sheegay Cumar Carrabeey oo ah guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada degmada Afgooye.

Waxaa socda dadaal lagu hirgelinayo dhismaha guryo ay nabad-diidku ka burburiyeen shacabka in goobihii Cibaadada oo ku dumay Qaraxyo ay ku xireen ka hor inta aanan ciidammada DANAB xoogga uga saarin Al-shabaab deegaannada Sabiid ilaa Bariire.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Dr....

Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka oo magaaalada Makka kula kulmey Madaxa Arrimaha Diinta dalka Turkiga

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo kulan dhiirrigelin iyo is-xogwareysi ah la qaatay 20-Diblumaasiyiin da’yar Soomaaliyeed

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha waxay si sharaf...