IMF oo sheegtay in Soomaaliya ka gudubtay wajiga sadaxaad ee Barnaamijka deyn cafinta SMP3

Date:

Muqdisho (SNTV ) War Qoraal ah oo ka soo baxay Hay’adda Lacagta Aduunka ayaa lagu sheegay in Hay’adda iyo dowladda Federaalka soomaaliya ay isku afgarteen ka gudbidda wajiga sadaxaad ee Barnaamijka deyn cafinta  loona gudbay qeybta afaraad oo soconaysa bishan May ilaa bisha Jully ee sanadka soo aadan ee 2020-ka.

Hay’adda lacagata waxa ay u soo jeedisay madaxda Soomaaliya joogteynta Wadadii guuleysatay ee looga soo gudbay wajiyadii hore ee Barnaamijka kooxda la socodka SMP.

Qoraalkaan waxaa uu ka dambeeyay kulan ka  dhacay Addis ababa 24 bishii April ilaa 2dii Bishaan May kaasoo u dhaxeeyay madaxda wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo uu hogaaminayay Wasiirka Maaliyadda  Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo koox ka socotay IMF oo ay hogaaminaysay Allison Holland waxaana ay isla meel dhigeen ka gudbida wajigaan.

Kulankaan waxaa ka kale oo ka qeyb galay wasiirka Qorsheynta iyo horumarinta dhaqaalaha iyo Guddmooiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Dowladda federaalka ayaa intii ay wada hadalaada Wajiga sadaxaad ee Barnaamijka Deyn Cafintu socdeen waxa uu la kulmay madaxda Hey’ada IMF si uu uga dhaadhiciyo in Soomaaliya deymaha lagu leeyahay laga cafiyo waxaa kale oo uu la kulmay waddamada iyo hey’adaha kale ee Soomaaliya ku leh deymaha.

Allison Holland Hogaamiyaha kooxda Wadahadalka ee IMF ayaa madaxda dowladda waxaa ay uga mahad celisay sida ay uga go’antahay hirgalinta shuruudaha Barnaamijka deyn cafinta iyo sida xooggan ay oo ay uga dhiiran yihiin.

Hay’adda lacagta aduunka ayaa markale bogaadisay kororka Dakhliga soo gala dowladda Federaalka iyo dadaalka hagaajinta maamulka maaliyadda.

Dr Beyle Wasiirka Maaliyadda ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray waxaa uu ku soo dhaweeyay warbixinta Hay’adda lacagta aduunka ay soo saartay ee looga gudbay Wajiga sadaxaad ee Barnaamijka deyn cafiska SMP3

“ Waxaan soo dhaweynayaa Warbixinta IMF oo shaacisay in aan si guul ah uga gudubnay Barnaamishkii #SMP3 taasoo muujisay inaan fulinay dhamaan shuruudihii na looga baahnaa.  Waxaa naga go’an har iyo habeen in aan ka shaqeyno dhameystirka howlaha ina horyaala” ayuu yirri Wasiirka Maaliyada

Toddobaakan shir jaraa’id uu Wasiirka Maaliyadda ku qabtay Muqdisho ayuu ku sheegay in Soomaaliya ay ka gududbtay wajiga sadaxaad ee barnaamijka deyn cafinta Soomaaliyana raja weyn ka qabto in sanadka soo aadan laga cafiyo deymaha lagu leeyahay.

Labadii sano ee la soo dhaafay Dowladda Soomaaliya ayaa si cad uga gudubtay dhamaan shuruudaha Deyn cafinta ee sadaxdii waji ee SMP, sida uu shaaciyay Wasiirka Maaliyadda waxaana haray shirka go’aan gaarista in Soomaaliya deymaha laga cafiyo kaa soo loo madlan yahay in la qabto bisha december ee sanadkaan 2019  ilaa bisha January ee sanadka soo aadan ee 2020 ka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Haya’adda Qaxoontiga Qaranka oo xafiiskooda ku qaabilay Ku-xigeenka Wakiilka Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), Mudane Axmed...

Wasiirka Amniga XFS oo furay barnaamuj diiradda lagu saarayo horumarinta Wejiga labaad ee Barnaamijka Wadajirka Booliska

Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh...

Galmudug oo shaacisay in dadka iyo duunyada ku nool Mudug ay saameyn xooggan ku yeesheen abaaraha dalka ka jira

Wasaaradda Gargaarka, Maareynta iyo Masiibooyinka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa...

Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis iskaashi difaac

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar ayaa maanta kala...