Madaxweynaha JFS oo maalintii 5aad Guddoominaya Shirka Wadatashiga DFS, Dowlad Goboleedyada iyo G/Banaadir

Date:

Garoowe (SNTV)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan magaalada Garoowe ayaa maalintii shanaad guddoomiyey shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Shirkan ayaa lagaga arrinsanayaa sidii loo xoojin lahaa wadashaqaynta u dhexaysa Dowladda Fedaraalka iyo Dowlad Goboleedyada si guullo wax ku ool ah looga gaaro dadaallada dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagaxisada ah iyo guud ahaan xasilinta dalka.

Shirkan ayaa la filayaa inay ka soo baxaan natiijooyin miradhal ah oo xal waara u noqda caqabadaha siyaasadeed ee Soomaaliya si loo dardargeliyo horumarinta dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...

Soomaaliya iyo Shiinaha oo bilaabay Madasha Ganacsiga ee Muqdisho(MAQAAL)

Madashu waxay iskugu keenaysaa mas'uuliyiinta dowladda, maal-gashadayaasha Shiinaha iyo...

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka oo aqbalay Go’aankii Maxkamadda Sare

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha, isagoo fulinaya...