Agaasimaha Waaxda Asia ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha

Date:

Mogadisho (SNTV):- Agaasimaha Waaxda Asia iyo Australia ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Shirwac Cabdullaahi Ibraahim, ayaa shalay oo Arbaco ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda, Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga China ee Soomaaliya, Mudane Qin Jian.

Bilowgii kulankaba, Agaasime Shirwac waxa uu guddoomay casuumaad rasmi ah oo ku socotay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo ka timid dhiggiisa China si uu uga qeybgalo kulanka wadatashiga heer Wasiir ee Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC) oo lagu qaban doono bisha June dalka China.

Intii lagu guda-jiray kulanka, ayaa waxaa looga wada hadlay xiriirka laba geesoodka ee labada dal ee saaxiibada ah u dhexeeya si gaar ah dhinacyada iskaashiga iyo wax wadaagga istiraatiijiyadeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...