Ciidanka Xoogga dalka oo ku Wajahan Deegaanada Shabeellaha Hoose ay kaga harsanyihiin Argagixisada

Date:

Muqdisho (SNTV)-Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo muddooyinkii dambe Howlgallo lagu baacsanayo Maleeshiyada Kooxda Alshabaab ka waday Gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegay in ay ku wajahan yihiin deegaanada Awdhiigle, Mubaarak iyo Janaale.

Taliyaha Ciidanka gaarka ah ee Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed  Gashaanle Cabdiraxmaan sheekh Cumar (Jeeniqaar) oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa ka warbixiyey sida Ciidanka Danab ay Kooxda Alshabaab uga saareen deegaanka Bariire iyo sidoo kale Howlgallo kale oo lagu xoreynayo deegaanada Nabad diidka hadda ay ku dhuumanayaan.

Gaashaanle C/raxmaan Shiikh Cumar ayaa sheegay in ay doonayaan in Shacabka Ku nool Awdheegle, Mubaarak iyo Jannaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose ay ka dulqaadaan dhibaatada Kooxda argagixisada ah ee Alshabaab, isaggoo xusay in Cadowga hadda aysan laheyn Awood ay isaga difaaca Ciidanka Geesiyaasha ah ee Xoogga dalka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee dalka Hindiya oo xabsiga ku booqday Muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xiran

Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya ayaa...

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Xarunta Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Hodan oo ku soo baxday tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga Afar dhamaadka oo la sameeyay

Degmada Hodan oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...

Ex-Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin oo dil toogasho ah lagu xukumay

Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin, ayaa lagu edeeyay dilka...