Wasiirka Maaliyadda XFS oo sheegay in la dhameestiray wajiga 3-aad ee wadahadalka deen cafinta.

Date:

Muqdisho (SNTV)– Wasiirka Maaliyadda Dowladda federaalka Soomaaliya Dr: Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo qabtay Shirka Bilaha ayaa faahfaahin ka bixiyay wada hadaladii ugu dambeeyay ee deyn cafinta Soomaaliya oo ay la galeen Wadamadda iyo hey’adaha Soomaaliya lacagta ku leh.

Wasiir Beyle waxa uu sheegay in shirarkii ka dhacay Mareykanka Dowladda Soomaaliya muhiimad gaar ah la siiyay, si ay u soo bandhigto marxalada dhaqaale dalka, dalabka deyn cafinta, iyada oo ay fadhiyeen hey’adaha iyo Wadamada deymaha ku leh Soomaaliya.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Shirkii xigay ee wadahadalka deyn cafinta oo ka dhacay Addis ababa, iyadoo la isla meel dhigay dhameystirka Wajiga seddexaad ee wada hadalka deny cafinta iyo waqtiyenta shirka kama dambeysta ah ee deymaha looga cafinayo Soomaaliya oo dhacaya horraanta sanadka soo aadan ee 2020-ka.

Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle ayaa sidoo kale ka hadlay Mashruuc ay taageeraayan Midowga Yurub iyo Banka aduunka oo lagu horumariyo is-dhaxgalka dhaqaalaha Waddamada Geeska Afrika iyo kulama ay wada qaateen Wasiirada dhigiisa ah ee gobolka, waxaana uu hoosta ka xariiqay in mashruucani yahay mid faai’da badan u leh Gobolka, dalwaliba uga faa’iidaysanayo halku wax soo saarkiisu ku wanaagsan yahay.

Wasiir Beyle ayaa gabagaba sheegay in laga maarmaan tahay in labada gole ee Barlamaanka Soomaaliya ay meel mariyaan shuruucda dhinaca Maaliyadda ah ee Golaha Wasiiradu soo gudbiyeen ayna qeyb ka yihiin shuruudaha ay tahay ka hor sanadkaan ay Soomaaliya ka gudubto waxaana ka mid ah shuruucdaasi sharciga maamulka Dhaqaalaha dalka (PFM) , kan Dakhliga, mideynta canshuuraha iyo kastamyada iyo sharciga Iibka Qaranka oo dib u noqosho lagu sameynayo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...