Wasiirada Arrimaha dibada IGAD oo shir aan caadi ahayn uga furmay magaalada Jubba ee Koon-furta Sudan

Date:

SNTV:-Magaalada jubba ee caasimada dalka Koofurta Sudan ayaa waxaa ka furmay shirkii aan caadiga ahayn ee 67 ee wasiirada arrimaha Dibada dalalka IGAD kaas oo looga hadlayo arrimo ay ka mid tahay dhameys tirka heshiiskii Dhinacyada Koofurta Sudan ay gaareen.
Mas’uuliyiinta ayaa kulanka xoogga ku saaray sidii kooxaha kala duwan ee Koofurta Sudan culays loogu saari laha fulinta waxyabihii hore loogu heshiiyay waxaana ay balan qaadeen inay fulin doonaan dhamaan waxyaabihii lagu heshiiyay kol hore.
Soomaaliya Shirkaas waxaa uga qayb galay wasiiru dawlaha arrimaha dibada XFS mudane Cabdulkadir Ahmed khayr iyo wafdi u hogaminayo sidoo kale waxaa ka qayb galay mas’uuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ku leedahay dalkaas.
Shirkaan oo maanta lagu soo gaba gabeynayo Jubba ayaa qorshuhu yahay in laga soo saaro war murtiyeed qeexaya waxyaabihii laga hadlay iyo go’aanadii ka soo baxay sida uu warbaahinta Qaranka u sheegay Ambassador Xuseen Xaaji Axmed Safiirka Soomaaliya ee Dalka Koofurta Sudan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha shacabka oo la magacaabay

Guddoomiyaha Kmg ah ahna Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha...

Hoggaamiyaha K/Galbeed oo xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil uu hoggaaminayo Taliyaha CXD

Hogaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo magacaabay Afhayeenka Wasaaradda

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa Laba-Xiddigle...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo...