Madaxweyne Farmaajo oo Masar kaga qayb-gelaya Shirka Midowga Afrika ee Xaaladda Dalka Suudaan

Date:

Muqdisho (SNTV) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay dalka Masar, halkaas oo uu ka furmi doono shir deg-deg ah oo ay yeelanayaan Madaxda Midowga Afrika.

Shirkan ayaa lagaga arrinsanayaa xaaladda dalka Suudaan iyo sidii xal waara looga gaari lahaa qalalaasaha siyaasadeed ee ka jira dalkaas.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo xusuusan hiilkii iyo garab istaaggii Dowladda iyo shacabka Suudaan ay u galeen walaalahooda Soomaaliya, xilliyadii adkaa, ayaa mudnaanta siinaysa ka qeyb qaadashada dadaallada heer gobol iyo heer qaaradeed ee ku aaddan samata bixinta dalka Suudaan.

Madaxweynaha ayaa shir doceedyo la yeelan doona Madaxda Afrika iyo masuuliyiinta dalka Suudaan ee ka qeyb galaya shirkan, isagoo la wadaagi doona mowqifka Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan garab istaagga iyo taageeridda shacabka aan walaalaha nahay ee Suudaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjire Ilyaas Cali Xasan oo waraaqihii aqoonsiga ku wareejiyay madaxda Tansania

Safiirka cusub ee Soomaaliya Ilyaas Cali Xasan ayaa nuqul...

Guddiga Adeegga Bulshada Ee BJFS oo qabtay kulan la xiriiray arrimaha gargaarka ah

Guddiga Horumarinta Adeega Bulshada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda...

Hay’adda SoDMA iyo Culumada Soomaaliyeed oo kulan wadatashi ah ku yeeshay Muqdisho 

Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka (SoDMA) iyo Culimada Soomaaliyeeed, ayaa isugu...

Ra’iisul Wasaare Xamse ” Macalinku waa halgamaaga naftiisa iyo Ubadka Soomaaliyeed”.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...