Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Oo Ku Baaqay Dhismaha Golaha Culimada Soomaaliyeed

Date:

Muqdisho (SNTV) Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mduane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo maanta ka qayb galay shir waynaha  culimada Soomaaliyeed, ayaa ku booriyay culimada in ay asaasaan Golaha culimaa udiinka Soomaaliyeed.

Khudbad uu Shirka ka jeediyay ayuu ka sheegay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenku in Culimadu waligeed ay dawr muhiim ah ku lahaayeen aasaaska, horumarinta iyo hagidda dhaqanka ummadda Soomaaliyeed, hadana laga doonayo iyaga oo midaysan in ay kala shaqeeyaan dawladda dhismaha dawlad wanaagga iyo hir-gelinta dastuur heshiis lagu yahay oo aasaas ay u tahay shareecada Islaamka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka ayaa sheegay in ay dalka ka jirto dhibaato amni oo salka ku haysa afkaar qaldan, sida kaliya ee looga guulasayn karaana ay tahay in culimadu iyaga oo wadajira ay dawrkooda ka qaataan oo umadda u sheegaan dhibaatada uu leeyahay fikirka xag-jirnimada ku salaynsan.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ka dalbaday culimada Soomaaliyeed in ay si wadajir ah uga hor tagaan arrimaha shareecada ka hor imaanaya, Horumuudna ay u noqdaan horumarka dalka iyo  dib-u-heshiisiinta, isaga oo intaa raaciyay In ay muhiim tahay in culimo, shacab iyo dawladba ay isu kaashadaan hir-gelinta natiijada kasoo baxda shir waynaha  culimada Soomaaliyeed.

Madaxwaynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa shalay furay Shir waynaha Culimada Soomaaliyeed oo looga hadlayo kaalinta culimada Soomaaliyeed ee Geedi Socodka Amniga iyo dib-u-heshiisiinta dalka, ayna kasoo qayb galeen Culima Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo Daah-furay Dib u habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Bannaanbaxu waa xaq dastuuri ah, balse fowdo ma aha

Sida dastuurro badan oo dunida ka jira, Dastuurka Soomaaliya...

War-saxaafadeed ku aadan Garsoore Cumar Cartan

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay...

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...