Madaxweyne Farmaajo “Ma ogolaanayno in wiilal iyo gabdho Soomaaliyeed lagu ciyaaro nolashooda iyo mustaqbalkooda”

Date:

Muqdisho (SNTV):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo boqollaal dadweynaha kula hadlay Xarunta Degmada Warta Nabadda ayaa sheegay in wax laga xumaado uu yahay falkii foosha xumaa ee askari ka tirsan laamaha ammaanku uu ku dilay labo muwaadin oo aan waxba galabsan.

Madaxweynaha ayaa faray Hoggaanka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed in ay si adag uga hortagaan falalkan arxan darrada ah ee lagu wiiqayo magaca iyo maamuuska laamaha ammaanka, loogana gol leeyahay in hoos loogu dhigo kalsoonida iyo wada shaqeynta kala dhaxaysa shacabka Soomaaliyeed.

“Ma ogolaanayno in wiilal iyo gabdho Soomaaliyeed lagu ciyaaro nolashooda iyo mustaqbalkooda, waqti inta uu naga lumi karo waa naga lumay. Waxaan ballan qaadaynaa in aan ka shaqeyno sida uu dalkeennu ula tartami lahaa caalamka, taasina waxa ay ku suurta galaysaa inshaa Allah taageeradiinna.”

Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu si adag u dhaliilay rabshadaha iyo dibad-baxyada colaadeysan ee ay sameeyeen qaar ka mid ah dadkii isu soo baxay, kaddib falkii arxan darrada ahaa ee dhacay, isagoona sheegay in shacabka ay ka digtoonaadaan kuwa fowdada abuuraya ee burburinaya hantida dadweynaha.

Madaxweynaha oo adkeeyey dadaalka ay Dowladdu ku bixinayso ilaalinta hantida, nafta iyo sharafta dadka Soomaaliyeed ayaa kula dardaarmay dhammaan Muwaadiniinta in ay ilaashadaan miro dhalka Dowladnimo, kuna waano qaataan dhibkii iyo rafaadkii aynu soo marnay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tacsi u diray qoyskii iyo qaraabadii ay ka baxeen labadii Marxuum ee kala ahaa Maxamed Deeq Cabdulqaadir Cabdullaahi iyo Maxamed Sheekh Cali, waxa uuna ballan qaaday in askarigii dilkaas gaystay uusan heli doonin gabbaad, caddaaladda la horkeeni doono.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc lagu xoojinayo ka Jawaabidda masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax-dhigay dhismaha laamiga degmada Wadajir

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo Khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee la dagaallanka Gaajada

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

Madaxwayne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleema saarka madaxweynaha Tanzania

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...