Haweenka Muqdisho oo Deeq Taakuleyn ah ku wareejiyey Ciidanka Xoogga ee furinta hore ee dagaalka ku jira

Date:

Muqdisho (SNTV)-Sahaydaan loogu talo galay Ciidanka qalabka sida ee Howlagalada ka wada Qaar kamid ah Gobolada dalka, gaar ahaan kuwa la wareegay deegaanada Sabiib iyo Caanoole ee Gobolka Shabeelada Hoose ayaa isugu jira Hilib, Kalluun, Buskut, Sabaayad iyo Biyo, Taasi oo Haweenka ku nool Caasimada ay ugu talo galeen inay kaga qeyb qaataan howlgalada dalka looga xorreynayo Argagixisada Alshabaab.

Haweenka soo Arruuriyey Sahaydaan oo loogu magac daray Taageerada Muwaadinka ee Ciidanka Qalabka sida oo aragtideeda ay laheyd Marwada Koowaad ee dalka Seynab Cabdi Macalin ayaa sheegay in Haweenka Muqdisho ay go’aansadeen inay is garab taagaan Ciidanka qalabka sida.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Maxamed Baarqab ayaa sheegtay inay u taagan yihiin Dhiiri-gelinta iyo Taageerada Ciidanka qalabka sida ee dagaalka kula jiro Kooxda Arxanka darran ee Alshabaab, iyaddoo xustay in ay ka go’an tahay inay garab u noqdaan Ciidanka.

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda Qaranka Marwo Aamino Saciid Cali ayaa uga mahad celisay Haweenka Soomaaliyeed sida Ciidamada ay u garab istaageen, iyaddoo Sahaydii Haweenkaan ay ugu talo galeen Ciidanka lagu wareejiyey Taliyaha Hoggaanka Zaadka ee Ciidanka Xoogga dalka Dhamme Sharmarke Cali Axmed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Salaadda Jimcaha kula oogay boqolaal shacab ah Masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Bakaaraha.

Muqdisho, Jannaayo 09, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday.

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad u jeediyay...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Singapore. 

Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

18 Khawaarij ah oo lagu dilay howlgal qorshaysan oo laga fuliyay Saakow.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka, gaar...