Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo u amba-baxay Mareykanka

Date:

Muqdisho (SNTV):-Ra’iisul Wassaarha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u amba-baxay dalka Mareykanka.

Mudane Xasan Cali Khayre iyo Wafdigiisa ayaa halkaas waxa ay kaga qeyb-galayaan shir looga hadlayo arrimo ay kamid yihiin deyn cafinta Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa inta ay Mareykanka joogaan waxa ay kulamo la yeelanayaan hay’adaha maaliyadda ee caalamiga ah, saraakiil sare oo ka tirsan dawladda Mareykanka iyo qayba kale oo kamid ah bah-wadaagta Soomaaliya, si loo dardar-geliyo ajandaha qaran ee dub-u-habaynta hay’adaha dawladda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada Koofur Galbeed oo maanta la dhaariyay

Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa kulan la qaatay golaha xukuumadii hore ee maamulkaas.

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhambaal tacsi ah gaarsiiyey Amiirka Dalka Qadar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo...

Shir looga hadlayay Tayada iyo Horumarinta Biyaha sifeysan oo Xarunta Gobolka Banaadir lagu qabtay

Mas'uuliyiinta Sheybaarka Gobolka Banaadir Ayaa Kulanka Ku soo bandhigay...