Tubaha Dawlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Oo Dhidibada Loo Taagay

Date:

Muqdisho (SNTV):-Howl-wadeenno iyo khuburo ka socda xafiirka Ra’iisul Wasaarha Soomaaliya oo maalmahaan ugu sugnaa magaalada Baydhabo daadejinta tubaha qaranka ayaa ku guulaystay in ay dhidhibada u taagaan tubaha dawlad gobaleedka Koonfur Galbeed.

Khuburada iyo howl-wadeennada kale ee ka socda xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo ay ku jiraan mas’uuliyiintii tubaha qaranka, ayaa waxa ay Koonfur Galbeed u tababareen howl-wadeennadii tubaha mas’uul uga noqon lahaa si loogu guulaysto halbeegyada ku jira tubaha.

Dhammaan wasaaraha dawlad gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa lagu kala daray guddi hoosaadyada shaqooyinkooda lagu saleeyay afarta tubood iyo halbeegyadooda, kuwaas oo horumuud u noqn kara wadajir in looga shaqeeyo fulinta danaha shacabka Soomaaliyeed.

Golaha wasiirrada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa laga sugayaa in ay meel mariyaan tubaha loo sameeyay Koonfur Galabeed.

Dhawaan waxaa lagu guulaystay in dawlad gobaleedka Hir-shabeelle loo sameeyo afarta tubood ee kala ah: Amniga iyo cadaaladda, siyaasadda loo dhanyahay, Horumarinta arrimaha bulshada iyo horumarinta dhaqaalaha, waxa ayna Koonfur Galbeed noqonaysaa dawlad gobaleedkii labaad ee laga hir-geliyo tubaha arrintaas oo qayb ka ah daadejinta shaqooyinka dawladda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Tababar u furay Howl-wadeennada Warbaahinta Qaranka uga soo warama Gobollada Dalka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi...