Wafdi Ka Socda Ha’yadaha U Xilsaaran Dib-U-Eegista Dastuurka oo Gaaray Kismaayo

Date:

Kismaayo (SNTV)–Wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo siihayaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ahna wasiir ku xigeenka Dastuurka Dr. Hussein Abdi Elmi oo ay wehliyaan Guddoonka Guddiyada Dastuurka heer federal iyo heer Dowlad Goboleed iyo Wasaaradaha Dastuurka Dowlad Goboleedyada ayaa shalay gaaray magaalada Kismaayo ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Wafdiga waxaa soo dhoweeyay Wasiirka Dastuurka Jubbaland Cumar Maxamed Cabdi, gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Jubbaland Aadan Khaliif iyo wasiiro iyo xildhibaanno ka tirsan Jubbaland.

Ujeedada wafidigan ay u yimeedeen Kismaayo ayaa ah in kulan hordhac ah oo ku saabsan sidii loo bilaabi lahaa Latasha dadwaynaha ee dastuurka ay isla meel dhigaan dowlad goboleedyada iyo sidii loo dardargelin lahaa howlaha Dib-u-Eegista dastuurka gaar ahaan arrimaha u baahan wada xaajoodyada siyaasadeed iyo latashiyada dadwaynaha ee cutubyada Dib-u-Eegista lagu sameeyay.

Gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka jubbaland Aadan Khaliif oo wafdiga ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee kismaayo ayaa bogaadiyay booqashada hay’adaha u xilsaaran dib-ueegista dastuurka oo kala ah wasaaradda Dastuurka, Guddiga la socodka iyo Guudiga Madaxabanaan iyo sidoo kale wasaaradaha iyo guddiyda dastuurka Dowlad goboleedyada ay ku yimaadeeen magaalada kismaayo.

Dhanka kale, sii hayaha wasiirka Wasaradda Arrimaha Dastuurka ahna wasiir ku xigeenka dastuurka XFS oo hogaaminaayay wafdiga ayaa uga mahadceliyay madaxda Jubbaland Soo dhowaynta wanaagsan, waxa uuna sheegay in magaalada kismaayo ay u yimadeen in ay ku qantaan kulan u dhexeeya hay’adaha u xilsaaran Dib-u-eegista dastuurka iyo wasaraadaha iyo guddiyada dastuurka dowlad goboleedyada si loo dadrdar geliyo howlaha dib-u-eegista dastuurka isla markaana loo bilaabo latashiga cutubyada dib-u-eegista lagu sameeyay kuwaas oo lagu qaban doono gobolada dalka oo dhan bishan April.

Sidoo kale, waxaa goobta ka hadlay gudoomiye ku xigeenka Guddiga madaxa bannaan ee dib-ueegista iyo hirgelinta dastuurka Muumino Sheikh Cumar, iyo gudoomiyaha Guddiga Lasocodka baarlamaanka Cabdi Xasan Cawaale “Qaybdiid” iyagoo ka mahadceliyay soo dhowaynta loo sameeyay sheegayna in ay howsha dib-u-eegista dastuurka ay tahay howl u baahn in ummadda Soomaaliyeed ay ka wada qayb qaataan.

Maanta oo axad ah taariikhdu tahay (07/04/2019) ayaa lagu qaban doonaa magaalada kismaayo kulan muddo saddex maalin ah socon doona oo loogu soo bandhigo doono dowlad goboleedyada cutubyada dib-u-eegista lagu sameeyay islamarkaana looga hadli doono sidii la iskula jaanqaadi lahaa oo loo samayn lahaa la tashiyada dadwaynaha ee dastuurka si loo dhamaystiro geedi socodka dastuurka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo soo xiray Shirweynaha 6-aad ee hal-abuurka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Shirka Golaha Wasiiradda oo lagu ansixiyay Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan kula yeeshay Zoomka deeq-bixiyaasha caalamka.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa...

Golaha Shacabka oo ansixiyay Heshiiska Aas-aasida Ciidanka Heeganka ee Bariga Afrika.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...