Janaraal Zakia’Waxaan xaqiijinnay in ay jiraan dhaawacyo 8 ah, ma jiraan ilaa iyo hadda wax dhimasho ah”

Date:

Muqdisho (SNTV):- ;Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Zakia Xuseen Axmed oo Shir jaraa’id ku qabatay magaaladda Muqdisho ayaa sheegtay in gaariga qarxay uu ahaa Primeo- Toyota ah, midabkiisu caddaan yahay uuna ku qarxay saacaddu markii ay ahayd 7:10 PM fiidnimo meel ay ku yaallaan goobo ganacsi oo u dhaxaysa Isbitaalka Yardimeli iyo Dugsiga Janaraal Kaahiye.

Sarreeye guuto Zakia Xuseen Axmed ayaa sheegtay in ay jiraan dhaawacyo 8 ruux oo 4 kamid ah ay qabaan dhaawacyo fudud iyo bubur ganacsiyo yaryar oo meesha ku yaallay waxayna intaas raacisay in aysan jirin ilaa iyo hadda wax dhimasho ah.

Janaraal Zakia ayaa dhammaan shacabka iyo bahda warbaahinta u sheegtay in ay ka fogaadaan goobaha ay qaraxyada ka dhacaan ilaa ay laamaha amniga ay ka xaqiijiyaan in meesha la tagi karo.

“Waxaad ogtihiin khatarta ka dhalan karta qaraxyada labaad ee lala beegsado dadka ku soo xooma goobta uu qaraxii hore ka dhacay. Waxaad marqaati ka tihiin in dad badan oo ay suxufiyiin ku jiraan ay inooga dhinteen weerarrada nuucaan ah ,sidaas darteed anagoo ku dadaaleena badbaadada shacabka, ciidamadu ma ogolaan doonaan in goobaha qaraxyadu ka dhacaan lagu soo yaaco ilaa laga hubiyo inuusan qarax kale oolin goobta.” ayay tiri Janaraal Zakia

Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa tiri “Annagoo ka jawaabeyna codsiyada ka yimid shacabka Gobolka Banaadir  waxaa Ciidanka Booliiska ay maanta hirgaliyeen khad telefoon oo ay si fudud shacabka noogala soo xiriir karaan, idinka oo si toos ah nooga soo wici kara 991 oo 24ka saac diyaar ah.

Ugu dambeyn Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa kula talisay shacabweynaha in ay masuuliyad iska saaraan ilaalinta gawaaridooda iyo meelaha ay dhigayaan maadaama ay marar badan dhacday in qaraxyo loogu xiray.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...