Guddoomiye Mursal oo sheegay in dhameystirka Dastuurka uu muhiim u yahay si dalka loo gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah

Date:

Muqdisho (SNTV) Ugu horeyn hadal jeedinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee JFS oo lagu bilaabay kulanka guud ee golaha shacabka ayaa hadalkiisa ku bilaabay Xaaladda amni ee dalka iyo dhibaatooyinka kooxaha Argagaxisada ah ku hayaan shacabka Soomaaliyeed iyo sidoo kale sida kooxahan nabad diidka ah looga hortagi karo ,sidoo kale Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa sheegay in loo baahanyahay in lala xisaabtamo Hay’adaha amaanka ee Dalka.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ka hadlay arrinta dastuurka dalka iyo dhameystirkiisa waxa uuna sheegay in dhameystirka dastuurka uu dalka muhiim u yahay si dalka loo gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah,waxaana dhinaca kale  xukuumadda federaalka Soomaaliya uu sheegay in laga sugaayo soo gudbinta shuruucda dalka muhiimka u ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa dhinaca kale faray guddiga Isgaarsiinta ee golaha shacabka in ay baaritaano sameeyaan oo ay warbixin ka keenaan xarumo shirkado ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed oo la burburiyay kuwaasoo ku yaala Qeybo ka mid ah gobolka Gedo.

Sidoo kale Guddiga la socodka,dib u eegista iyo hirgelinta dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa golaha usoo gudbiyay Warbixin ku saabsan hanaanka dib u eegista dastuurka gaar ahaan cutubyada 1-5-aad ee dastuurka, waxaana warbixinta golaha u aqriyay Xildhibaan Burhaan Aadan Cumar oo ka mid ah xubnaha gudiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka ee labada aqal.

Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey ayaa sheegay in arrinta dastuurka ay muhiim u tahay in lagu daro arrinta Somaliland oo muhiim u ah dhameystirka dalka.

Kulanka guud ee Golaha Shacabka ayaa sidoo kale Xildhibaanada Golaha Shacabka waxaa loogu qeybiyay waxka bedelida sharciga furdooyinka,soo gudbin axdiga Qaramada Midoobay ee xuquuqda dadka naafada ah,hindise sharciyeedka maamulka dakhliga ,Miisaaniyadda sanadka 201-9-ka,Warbixinta afar biloodlaha ah ee guddiga doorashooyinka madaxa banaan ee Qaranka iyo xeer-Hoosaadka Golaha Shacabka baarlamaanka 10-aad ee JFS ayaa waxaa soo xiray Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Dekadaha XFS oo ka qeybgalaya shirka 34-aad ee Golaha Hay’adda Baddaha Adduunka.

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur,...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska Muqdisho ka furtay mashruuca Codka iyo Hoggaaminta Haweenka.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska Iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magaalada Rabat kula kulmay dhiggiisa dalka Morocco.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo Booqday Xarunta Dhexe ee Warbaahinta Malaysia.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska JFS,...