Daawo Sawiradda Howlgalada Ciidanka Xoogga Dalka ka wadaan Sh/hoose

Date:

Muqdisho (SNTV) Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Danab ayaa Howlgallo lagu baacsanayo Maleeshiyada Argigixisada Al-Shabaab kawada Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Danab ayaa Raashin qeybin ka wada Deegaanada Sabiib iyo Caanoole oo ka tirsan Gobalka Shabeelaha hoose oo lagala wareegay Argagaxisada.

Taliyaha Ururka 4-aad ee Danab Gaashaanle Cabdi raxmaan Sheekh Cumar (Jeeniqaar) ayaa sheegay in Howlgalo ay ka sameeyeen Deegaanada ay kala wareegeen Argagaxisada ay kusoo arkeen Hormar la’aan dhinaca Waxbarashada, Biyaha iyo Nolosha qeybaheeda kala duwan, taas oo ku qasabtay ciidanka inay Gurmadka iyo weerarada ay ku baacsanayaan Argagaxisada isku dhinac wadaan.

Taliyaha Ciidammada Dhulka General Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Howlgalada ay sii soconayaan, isla markaana Cadowga loogu tagayo deegaaanda ay ku dhuumaaleysanayaan, wuxuuna Shacabka kaga mahad celiyay sida ay ciidanka ula shaqeynayaa, iyagoo u tilmaamaya meelaha ay u ordayaan Maleeshiyada Al shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha dibadda oo qaabilay Danjiraha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Jabuuti

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Wasaaradda arimaha dibadda JFS oo digniin ka soo saartay warar been abuur ah

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan...