Kulan looga hadlayay Aminga oo logu qabtay Boosaaso

Date:

SNTV;-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni aya caawa qasriga Madaxtooyada Boosaaso kulan kula qaatay qaybaha kala duwan ee dhalinyarada gobolka Bari, gaar ahaan kuwa Boosaaso.

Kulankan uu Madaxweynuhu la qaatay dhalinyarada ayaa waxaa qayb ka ahaa maamulka Gobolka Bari kan Degmada Boosaaso, masuuliyiin ka tirsan  Puntland, Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, Xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka degmada Boosaaso iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Duqa degmada Boosaaso Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan ayaa ka warbixiyey kulanka.

“Waxaa caawa noo qabsoomay shir uu Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni la yeeshay dhammaan Hal-doorka dhallinyarada, aqoonyahaniinta iyo qaybaha kale ee dhallinyarta, shirkaasi waxaa looga wadahadlay xaaladda amniga magaalada Boosaaso, sidii laysaga kaashan lahaa xagga horumarka iyo hiigsiga dowladda”

“Shirkaasi wuxuu Madaxweynuhu ku faahfaahiyey qorshaha Xukuumadda hiigsanayso, Sidoo kale dhallinyradu waxay soo jeediyeen aragtida ay qabaan, waxyaabaha ay kusoo biirinayaan dowladda oo talo iyo tusaale ah, shirkaasi wuxuu kusoo dhammaaday jewi degan oo quruxbadan” Ayuu yiri Duqa degmada Boosaaso Cabdisalaam Bashiir Cabdisalaam.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo Guddi Xildhibaano ah magacaabay

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka...

Taliska Ciidanka Xoogga oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Isticmaalka Calaamadaha iyo Astaamaha Ciidanka XDS

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Digniin Adag Ka...