Shir looga hadlayo wadasheynta Hay’adaha ka shaqeeya Barxuduudeedka dalka oo Muqdisho ka furmay

Date:

SNTV:-Wasiiru dowlaha  wasaaradda Amniga gudaha Xildhibaan Maxamuud Maxamed Buunow ayaa furay Shirka xoojinta wadashaqeynta Hay’adaha ka howlgala Irdaha Dalka laga soo galo lagana baxo ( Bar-xuduudeedyada).

Shirkaan oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa waxaa kasoo qeybgalay Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Rayidka, Wasaaradda Dekadaha, Wasaaradda Caafimaadka, Boliiska Garoonka Aadan Cadde, Maamulka Garoonka Aden Cadde, Hay’adda Sirdoonka Qaranka, Ururka Midowga Duulimaadyada iyo Dalxiiska Soomaaliyeed iyo Gudigga shirkadaha diyaaradaha.

Agaasimaha Guud ee HSJ Col. Maxamed Aadan Kofi ayaa ku sheegay muhiimadda Shirkaan in ay tahay in la abuuro iskaashi iyo masuuliyad wadaag dhab ah oo laga yeesho howlaha ka hortagga Dambiyada Abaabulan ee isaga gudba xuduudaha.

Waa Shirkii 3aad oo noociisa ah oo ay Soo qabanqaabisay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo looga arinsanayay xoojinta wadashaqeynta Hay’adaha ka howlgala Irdaha Dalka (Bar-xuduudeedyada).

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo wada-tashi diblomaasiyadeed la yeeshay amiirka dowladda Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweynaha JFS oo wada-tashiyo baahsan oo diblomaasiyadeed la yeeshay madaxda Bariga iyo geeska Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka hawlaha guud ee XFS oo si adag uga hadlay go’aanka ay Israa’iil ku sheegtay inay dowlad ahaan u aqoonsatay Somaliland

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka...