Ciidamada Amniga oo hawlgal ka fuliyay deegaanka Awdheegle ee Gobolka Shabeelada hoose

Date:

Marka (SNTV)- Ciidamada amniga ayaa howlgal si wanaagsan loo diyaariyay ka fuliyay deegaanka Awdheegle oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha hoose.

Hawlgalka oo dhacay habeenimadii 30-ka March ayaa lagu soo qabtay Horjooge ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab oo Ciidamadu ay doon doonayeen.

Ma jirto waxyeelo kasoo gaartay ciidamada iyo shacabka toona inta uu socday howlgalka laga fuliyay deegaanka Awdhiigle ee Goobolkaasi.

Hawlgalkan ayaa dhacay 24-saac ka dib markii Ciidamadu ay hawlgalkaan mid la mid ah ku burburiyeen saldhig argagixiso ay ku lahaayeen deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha hoose.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha dibadda oo qaabilay Danjiraha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Jabuuti

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Wasaaradda arimaha dibadda JFS oo digniin ka soo saartay warar been abuur ah

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan...