Guddoomiyaha Gobolka oo ka warbixiyey hawlgallo amni oo ka bilaabmaya Muqdisho

Date:

Muqdisho, Maarso 31, 2019; Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) oo shir jaraaid ku qabtay Xarunta Dowladda Hoose ee Xamar ayaa ka warbixiyey hawlgallo lagu sugayo amniga Caasimadd oo ay ku hawllan yihiin laamaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay bulshada Gobolka Banaadir in ay si dhaw ula shaqeeyaan halyeeyada Soomaaliyeed ee dhexda u xirtay sugidda iyo adkeynta amniga dadkooda iyo dalkooda.

“Maalmahaan waxaa u socday Madaxda Qaranku shirar ku qotoma sidii loo adkeyn lahaa amniga Caasimadda, shacabkuna ay u heli lahaayeen kalsooni buuxda oo ka aaddan arrinkan. Si taas loo xaqiijiyo waxaa bilowday hawlgallo lagu xasilinayo amniga oo ay wadaan Ciidamadu.”

Eng.Yarisow ayaa ka codsaday Bulshada Gobolka Banaadir in ay ka garaabaan caqabadaha dhanka isu socdka ee ka dhalanaya hawlgallada ay sameynaayaan Laamaha Ammaanku, sidoo kalena ay gacan ka gaystaan baaritaannada iyo dabagalka lagu wado argagixisada doonaysa in ay dhibaateeyaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Guddoomiye Yarisow ayaa soo bandhigay qorshaha Gobolka Banaadir ee ku aaddan fududeynta isu-socodka Caasimadda inta ay socdaan hawlgallada amniga, isagoona sheegay in gaadiid dadweyne loo qorsheeyey dadka nugul ee aan karin socodka dheer.

Guddomiyaha Gobolka Banaadir ayaa xaqiijiyey in Bahda Warbaahinta iyo shacabka Soomaaliyeedba ay si joogta ah ula wadaagi doonaan warbixinaha hawgalkan, caqabadaha ku xeeran ee loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo iyo mira dhalkiisa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...