Isbaddel lagu sameeyay qaab dhismeedka Hogaanka Ciidanka Xoogga Dalka

Date:

Muqdisho (SNTV)ย Isbedel ayaa lagu sameeyey qaab dhismeedka Ciidanka Xoogga Dalka, taasi oo loogu talo galay dar dar-gelinta howlaha Ciidanka Xoogga. waxaana Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed oo ahaa u qeybsanihii Milateriga ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Sacuudiga, loo magacaabay taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga dalka.

Sidoo kale Abaanduulihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka General Odowaa Raage, ayaa isna loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Lugta, halkaย  General Cabdirashiid Cabdullaahi Shire loo magacaabay Abaanduulaha Ciidanka lugta.

Isbedalkan lagu sameeyey qeybo kamid ah Hogaanka Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sidoo kale Admiral Guuto Cabaas Amiin Cali ย loogu magacaabay Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...