Madaxweynaha Puntland oo Qardho Ka Dhagax Dhigay Garoon Kubadda Cagta Ah

Date:

Qardho (SNTV)-Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magaalada Qardho ka Dhagax dhigay garoon kubadda Cagta ah oo loo dhisidoono si caadi ah.

Dhagax dhigga garoonka ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey masuuliyiinta maamulka gobolka Karkaar iyo kan degmada Qardho, Wasiiro ka tirsan Golaha Xukuumadda Puntland, Bahda ciyaaraha gobolka iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay dhagax dhigga ayaa sheegay in goobta loo asteeyey dhismaha garoonka tahay meel ku haboon oo siman, Madaxweynaha ayaa ku booriyey Maamulka degmada Qardho in dhulka ku hareeraysan garoonka laga dhigo dhul dowladeed si mustaqbalka looga faa’iidaysto.

“Farxad bay nootahay inaan dhagax dhigno garoonka kubadda cagta Qardho, waxaan garawsannahay ahmiyadda ay leeyihiin ciyaaruhu guud ahaan dalka oo dhan, waxaan bogaadinaynaa dedaalka maamulka degmadu ugu jiro sare u qaadidda ciyaaraha”.

“Dhulka waa dhul aad u wanaagsan oo kasoo fog magaalada, aadna u siman kuna haboon garoon, waxaan ku darayaa in degmadu 200 oo Mitir kasii badiso oo dhulkani noqdo dhul dowladeed, mustaqbalkana mashaariic kale oo dan u ah danta caamka ah lagu fuliyo, waxaan rajaynayaa in aan soo noqdo garoon kaas oo dhammaaday, dedaalka guud ee aad wadaana waan idinku garab taaganahay” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeeray saldhigga iyo qaybta degmada Qardho, waxaana uu Madaxweynuhu kulan gaar ah la qaatay taliyaha qaybta qobolka Karkaar iyo Saraakiisha ciidanka Booliska degmada Qardho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

Siyaasadda China ee lagu baabi’inayo canshuuraha kastamka ee badeecadaha...

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...