Eng. Yarisow “Waxaa naga go’an in dib loo dhiso Xarumihii danta guud ee Bulshada loogu adeegayay”

Date:

Muqdisho (SNTV):- Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisoe) ayaa maanta dhagax dhigay Xarunta Waaxda Barwaaqo ee Degmada Warta-Nabadda.

Guddoomiyaha oo munaasabadda dhagax-dhigga ka hadlay ayaa sheegay in muhiimad weyn ay u leedahay bulshada ku dhaqan Waaxda Barwaaqo ee dib-u-dhiska lagu sameenayo, si ay ugu helaan adeegyada ay uga baahan-yihiin Dawladsa Hoose. Isagoo xusay in Maamulka Gobolka ay ka go’an tahay daadajinta Adeegyada si loogu dhaweeyo shacabka.

“Maamulkeennu waa kii shacabka, waxaana ka go’an in aan dib-u-dhisno xarumihii danta guud, si shacabka loogu adeego, marna nama baqdin gelineyso falalka ay geysanayaan Kooxaha argagixisada ee u taagan dhibaateynta shacabkeenna”.

Eng. Yarisoe ayaa tilmaamay in guulo laga gaaray barnaamijka daadejinta Maamulka oo masuuliyiinta Gobolku ay dadaal badan geliyeen, iyadoona adeegyadii asaasiga ah ee maamul haatan la gaaarsiiyey inta badan degmooyinka Gobolka.

Dhanka kale Duqa Muqdisho ayaa daah furay tababar aqoon kororsi ah oo loo qabtay Waaxda Maaliyadda iyo Dhakhliyadda Dawladda Hoose ee Xamar, taasoo ay bixinayaan Macalimiin aqoontoodu sareyso, si tayada Howlwadeenada Waaxaha Dhakhliyada kor loogu qaado.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa sheegay in yoolka Maamulka Gobolka uu yahay in shaqo weliba loogu tartamo aqoon, waxuna kula dar-daarmay Howlwadeenada in ay ka faa’ideystaan fursaddan, si ay sare ugu qaadaan aqoontooda.

“Waxaa naga go’an in la horumariyo aqoonta howl-wadeennada Waaxda Maaliyadda iyo Dakhliyada Dawladda Hoose, tanoo qayb ka qaadanaysa kordhinta dhakhliga, Maamul wanaagga iyo hannaan kalsooni gelinaya bulshada Caasimadda loogu adeego, loogana guuro hannaankii hore, gaar ahaan shaqaaleysiinta iyo dalacsiinta shaqaalaha cusub iyo kuwii horey u shaqaynayay”.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga oo gacanta ku dhigay Maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijtii lagu jebiyay Degmada Ceeldheer

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay Maleeshiyaad ka...

Ramla Cali oo Muqdisho lagu soo dhoweeyay kadib guulo ay kasoo hoysay feerka caalamiga ah

Ramla Saciid Axmed Cali, oo ah gabadhii ugu horreysay...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qeybgalaya shir heer wasiir oo ka socda Dooxa

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya,...

Dib-u-furista Xarumaha Diiwaangelinta Dadweynaha ee Gobolka Banaadir

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka & Soohdimaha (GMDQS)...