Maalinta Caalamiga ah ee Biyaha oo Muqdisho laga xusay

Date:

Muqdisho (SNTV)ย Munaasabadan oo lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee biyaha adduunka oo ay ka qeyb galeen masโ€™uuliyiin kaladuwan ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho,kaasi oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Xukuumadda Soomaaliya.

ayaa waxaa ka qeybgalay kusimaha wasiirka,tamarta iyo khayraadka biyaha Soomaaliya ahna wasiir kuxigeen mudane Cismaan Libaax Ibraahim,Jamaal Maxamed Xasan Wasiirka Qorsheynta iyo horumarinta Dhaqaalaha,Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaradah Khadiijo Maxamed Diiriye,Wasiirka macdanta iyo Batroolka,,wasiir kuxigeenka caafimaadka Maxamed Siciid ,guddoomiyaha gudiga khayraadka Qaranka,Dhaqaalaha iyo Gaadiidka Aqalka Sare Senator Ilyees Cali Xasan iyo masโ€™uuliyiin kale.

Masโ€™uuliyiintii ka hadlay munaasabadda ayaa siweyn uga hadlay muhiimadda ay leedahay in shacabka Soomaaliyeed ay helaan adeega biyaha meelkasta oo ay joogaan.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Khayraad Biyaha Xukuumadda Soomaaliya C/waaxid Ibraahim Axmed ayaa sheegay in qorshaha Wasaaradda uu yahay sidii loo gaarsiin lahaa bulshada Soomaaliyeed biyho nadiif ah oo ku filan.

Mudane Cismaan Libaax Ibraahim Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka Hadley waxqabadka wasaaradda iyo qorshaha horyaala,isagoo xusay in ay wadaan qorshe ah sidii ceelbiyoodyo looga qodi lahaa gobolada dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo war kasoo saartay colaada Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS)...

Hoggaamiyaha DG Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hayโ€™adda SODMA

Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed...

Imtixaanka shahaadiga ah ee Fasalka 12-aad oo maanta ka furmaya dalka

Waxaa maanta si rasmi ah guud ahaan dalka uga...