Maalinta Caalamiga ah ee Biyaha oo Muqdisho laga xusay

Date:

Muqdisho (SNTV) Munaasabadan oo lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee biyaha adduunka oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin kaladuwan ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho,kaasi oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Xukuumadda Soomaaliya.

ayaa waxaa ka qeybgalay kusimaha wasiirka,tamarta iyo khayraadka biyaha Soomaaliya ahna wasiir kuxigeen mudane Cismaan Libaax Ibraahim,Jamaal Maxamed Xasan Wasiirka Qorsheynta iyo horumarinta Dhaqaalaha,Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaradah Khadiijo Maxamed Diiriye,Wasiirka macdanta iyo Batroolka,,wasiir kuxigeenka caafimaadka Maxamed Siciid ,guddoomiyaha gudiga khayraadka Qaranka,Dhaqaalaha iyo Gaadiidka Aqalka Sare Senator Ilyees Cali Xasan iyo mas’uuliyiin kale.

Mas’uuliyiintii ka hadlay munaasabadda ayaa siweyn uga hadlay muhiimadda ay leedahay in shacabka Soomaaliyeed ay helaan adeega biyaha meelkasta oo ay joogaan.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Khayraad Biyaha Xukuumadda Soomaaliya C/waaxid Ibraahim Axmed ayaa sheegay in qorshaha Wasaaradda uu yahay sidii loo gaarsiin lahaa bulshada Soomaaliyeed biyho nadiif ah oo ku filan.

Mudane Cismaan Libaax Ibraahim Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka Hadley waxqabadka wasaaradda iyo qorshaha horyaala,isagoo xusay in ay wadaan qorshe ah sidii ceelbiyoodyo looga qodi lahaa gobolada dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...