Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Oo Khudbad Ka Jeediyay Shir Looga Hadlayo Ka Hor-tagga Xag-jirnimada

Date:

Khamiis, Maarso 21, 2019 –Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa magaalada Brussels ee dalka Belgium uga qayb galay shir looga hadlayo ka hor-tagga iyo la dagaallanka rabshadaha salka ku haya Xag-jirnimada.

Shirka oo maanta furmay qorshuhuna yahay in uu soo xirmo berri oo Jimce ah ayaa si gaar ah looga hadlayaa sidii casharro looga baran lahaa hababka guulaystay ee dalalka Afrika ay u adeegsadeen ka hor-tagga iyo la dagaallanka Xag-jirnimada, si loo wadaago hannaanka ugu habboon, loogana faa’iidaysto talooyinka khuburada.

“Waxa aan ku faraxsanahay in maanta aan machadka nabadda ee Yurub, ka jeediyo khudbad aan uga hadlayo ka hor-tagga iyo la dagaallanka rabshadaha Xag-jirnimada ku salaysan. Nuuc kasta oo Xag-jirnimo ah waxa uu nagu hayaa dhibaato. Waa in aan kula dagaalnaa wadajir, run-sheegid, fursadaha aan haysanno iyo wada shaqayn xooggan. Waxa aan ku jiraa xilli ay jirto caqabado dhanka amniga ah, jawaabteennu waaa in ay ahaataa mid isku xiran oo xooggan”, ayuu ra’iisul wasaare ku-xigeenku ka sheegay shirka Brussels.

Kulanka oo uu marti geliyay Mahadka Nabadda Ee Yurub (EIP) ayaa waxaa kasoo qayb galay wakiillo ka soda Yurub, Afrika, Bariga, Dhexe, hay’ado calami ah iyo bulshada Rayidka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SODMA oo Geneva kaga qayb galay madasha caalamiga Yareynta Khataraha iyo Musiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle iyo...

Guddoomiyaha jannaale: Cadowga Khawaarijta waan dabar jaraynaa

Ciidamada kala ah Xoogga dalka iyo Sirdoonka qaranka NISA...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shacabka ugu hambalyeeyay...