Madaxweyne Farmaajo iyo Dhiggiisa Jabuuti oo si wadajir ah xarigga uga jaray dhismaha cusub ee Safaaradda Jabuuti

Date:

Muqdisho (SNTV)- Madaxweynayaasha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa si wadajir ay xariga uga jaray dhismaha cusub ee Safaaradda Jabuuti ee Soomaaliya.

Munaasabaddii xariga looga jarayay dhismaha cusub ee Safaaradda Jabuuti oo ay ka qeyb galeen Madaxweynayaasha labada dal, goleyaasha Dowladda iyo diblomaasiyiinta dalalka shisheeye ee Muqdisho ka hawl gala ayaa haatan lasoo gabagabeeyay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa goor dhaw khudbad u jeedinaya kulan wadajir ah oo ay isugu yimaadeen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare oo ka dhacaya Dugsiga Tababarka Booliiska ee Janaraal Kaahiye.

Xarig-jarka safaaradaan ayaa muujineysa horumarka laga sameynayo xiriirka iyo iskaashiga labada dal, taasi oo labada Madaxweyne ay bogaadiyeen.

Hadaba Hoos ka Daawo Sawirada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle,...

Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.

La-taliyaha Madaxweynaha JFS ee dhinaca dhaqaalaha, ahna Guddoomiyaha Golaha...

Madaxweynaha KGS oo baaq ku aadan abaaraha u diray bulashada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen),...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku dhawaaqay heegan buuxa oo la geliyay Gaadiidka Gurmadka Degdegga ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa maanta ku...