Ra’iisul Wasaare Kheyre oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Ra’iisul-Wasaaraha Soomaaliya , Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta dib  ugu soo laabtay Muqdisho, markii ay horraantii Todobaadkan socdaal shaqo ku tageen Magaalada Kismaayo.

Mudane; Kheyre iyo wafdigiisa ayaa intii ay joogeen Kismaayo waxay kulammo kala duwan lasoo qaateen mas’uuliyiinta ugu sarreeysa maamulka Jubbaland, Saraakiisha Ciidamada, Duubabka dhaqanka iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan.

Kulammadii dhex maray Labada dhinac ayaa lagu soo dhammeeyay mad-madoowgii iyo kala aragti duwanaanshihii ka dhex jiray madaxda Dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamul goboleedka Jubbaland, socdaalkaas oo kusoo dhammaaday guul iyo is Af-garad.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho kusoo dhoweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda Maalinta Calanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay laba dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa degmada Afgooye ee Gobolka...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray dib u-dhis lagu sameeyay Dugsiga Waxaracadde

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya

Maanta oo ah 12-ka Oktoobar waxay ku beeggan tahay...