Ra’iisul Wasaare Kheyre; “Waxaan rabnaa in laga shaqeeyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed”

Date:

Kismaayo-(SNTV)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre,ayaa sheegay in Safarkiisi Kismaayo uu ku soo dhamaaday guul iyo Miro dhal ku salaysan isfaham iyo in si dhab ah Dowladda Federaalka iyo Jubbaland u xoojiyaan wada shaqaynta loogu adeegayo Bulshadda Soomaaliyeed.

kadib Xaflad sagootin ah oo Xalay Kismaayo loogu sameeyey Ra’iisul wasaare Kheyre, ayuu ugu horreyn kaga mahad celiyay sidii ay maamulka iyo Shacabka reer Jubbaland ugu soo dhoweeyeen Magaalada Kismaayo.

Wuxuu sheegay in uu kulammo kala duwan la qatay, Madaxda ugu sarreysa Jubbaland, Labada Gole ee maamulka, saraakiisha Ciidamada, Duubabka dhaqanka, Dhallinyarada, Haweenka iyo guud ahaan qeybaha kal duwan ee Bulshada.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, ayaa caddeeyay in la dhammeeyay kala aragti duwanaashihii ku kala dhex jiray Dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland, is qabashaduna ay qeyb ka tahay Dowladnimada, taas oo u baahan in wax laysla saxo.

Wuxuu sheegay in ay muuqato rajo ah in ay kor u socoto fahamka Soomaalinimada,  isla xisaabtanka iyo in lays maqlona ay adkaynayso Dowladnimada, si ay taasi u xoogeysatana loo baahan yahay in la adkeeyo Xarigga isku haya Bulshada.

Ra’iisul wasaare Kheyre, ayaa sheegay in dhammaan qeybihii kala duwanaa ee uu la kulmay ay dhammaantood qabaan dareen ah halka ay Soomaaliya ku socoto muddada dhow, wuxuuna ugu baaqay in ay Dowladda ka go’an tahay ilaalinta midnimada Soomaaliya oo ay taasi tahay muqaddas.

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaan, ayaa isna sheegay in la dhameeyey tabashooyinkii iyo madmadowgii ka dhex jiray Dowladda Federalka Soomaaliya iyo Jubbaland   Isla markaana uu guul ku  dhamadeen wada hadaladii Ra’iisul Wasaare khayre uu la yeeshay Madaxda Jubbaland.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...