Soomaaliya oo ka qeyb galaysa shir looga hadlayo tacaddiyada loo geysto Haweenka oo ka socda New York

Date:

New York-(SNTV)-Qaar ka mid ah xildhibaannada Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa ka qayb galay Shir Caalami ah oo ka socdo Xarunta Qaramada midoobay ee Magalada New York.

Shirkan oo looga hadlayo arrimaha Haweenka Adduunka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa doorka hogamineed ee Haween weynaha Caalamka, ayaa waxaa uu socon doonaa muddo Saddex Cisho ah, waxaana Soomaliya u matalaya Senetor, Muno Cumar Xasan iyo Sen ,Hodan Muxamuud Cusmaan.

Shirkan ayaa inta uu socdo waxaa lagu gorfeyn doonaa sida ugu habboon ee loogu gaashaaman karo tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka Caalamka iyo sidii wax loogu qaban lahaa kuwa loo geysta gabbood fallada kala duwan ee ay Bulshada dhexdeeda kala kulmaan Dumarka.

Waa markii ugu horreysay oo shir noocan oo kale ah ay Soomaaliya ka qayb gasho, waxana lagu wadaa in ay Xildhibaannada Aqalka sare ee kulankn ku sugan ay soo bandhigaan tacaddiyada loo geysto Haweenka Soomaaliyeed.

Soomaaliya oo muddo ku dhow Soddon Sano ay jiraan dagaallo sokeeye iyo Colaado ayaa ka mid meelaha ugu badan ee ay ka dhacaan tacaddiyada loo geysto Haweenka, sida Kufsiga, dilalka, Gudniinka fircooniga IWM.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Batroolka XFS iyo West Virginia oo Iska kaashanaya Sahminta iyo Soo Saarista Macdanta Muhiimka ah

Wasaaradda Batrolka iyo kheyraadka Macdanta XFS iyo Gobolka West...

Wasiirka Qoyska XFS oo Geneva ku guddoomisay kulan la xiriiray Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud has returned to the...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka dib ugu...