Kenya oo sheegtay in ay Ciidamadeedu dileen xubno ka mid ahaa Al-Shabaab

Date:

Nairobi-(SNTV)-Ciidanka difaaca Kenya ee KDF ayaa sheegay in ay dileen Saddex xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab mid kalena ay nolosha ku qabteen, markii uu Labada dhinac dagaal ku dhex maray degaanka Buulo-Xaaji oo ka tirsan Gobolka Gedo.

Af-hayeen u hadlay Ciidanka difaaca Kenya oo lagu Magacaabo , Col; Paul Njuguna, ayaa sheegay in ay sidoo kale dagaalkaasi ay ku qabsadeen Laba Qori oo AK47 ah, mid Diiradle ah, Saanad Ciidan iyo qalab kale.

Af-hayeenka Ciidanka Kenya, Col; Paul Njuguna, ayaa Jariiradda Daily Nation u sheegay in ay sii wadi doonaan howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee lagu soo celinayo nabad gelyada Soomaaliya.

Horraantii Bisha January  ee Sanadkan ayay ahayd markii ay Ciidanka Difaaca Kenya ay dileen Todoba xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, tira intaa ka badanna ay ku dhaawaceen markii ay howl-gal ka fuliyeen qeybo ka mid ah Koofurta Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhoweeyey Danjiraha Talyaaniga

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Madaxweynaha oo ka qaybgalay Salaadda Janaasadda AUN Marxuun Iimaan Maxamed Yuusuf

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qaybgalay aqoon-is-weydaarsi Amniga, Xasilinta iyo Xalalka Waara

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Meydka Marxuum Imaam Maxamed Yuusuf oo lagu aasayo Ceel- Cirfiid

Maanta ayaa lagu wadaa in lagu aaso Meydka Marxuum...