Kenya oo sheegtay in ay Ciidamadeedu dileen xubno ka mid ahaa Al-Shabaab

Date:

Nairobi-(SNTV)-Ciidanka difaaca Kenya ee KDF ayaa sheegay in ay dileen Saddex xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab mid kalena ay nolosha ku qabteen, markii uu Labada dhinac dagaal ku dhex maray degaanka Buulo-Xaaji oo ka tirsan Gobolka Gedo.

Af-hayeen u hadlay Ciidanka difaaca Kenya oo lagu Magacaabo , Col; Paul Njuguna, ayaa sheegay in ay sidoo kale dagaalkaasi ay ku qabsadeen Laba Qori oo AK47 ah, mid Diiradle ah, Saanad Ciidan iyo qalab kale.

Af-hayeenka Ciidanka Kenya, Col; Paul Njuguna, ayaa Jariiradda Daily Nation u sheegay in ay sii wadi doonaan howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee lagu soo celinayo nabad gelyada Soomaaliya.

Horraantii Bisha January  ee Sanadkan ayay ahayd markii ay Ciidanka Difaaca Kenya ay dileen Todoba xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, tira intaa ka badanna ay ku dhaawaceen markii ay howl-gal ka fuliyeen qeybo ka mid ah Koofurta Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...