Dowladda Soomaaliya oo ka tacsiyadeysay shilkii diyaaradeed ee ka dhacay Itoobiya

Date:

Muqdisho (SNTV):- Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Shacabka iyo Dowladda Federaalka Itoobiya uga tacsiyadeysay shilkii diyaaradeed ee ka dhacay dalkaasi Itoobiya,kaasi oo saameyn ku yeeshay dad rakaab ah oo ka soo kala jeeda dalal kala duwan oo uu ku jiro muwaadin Soomaaliyeed.

“Waxa aan dareenka la qeybsanaynaa qoysaska iyo shaqsiyaadka ay saameysay dhacdadan masiibadada ah,ayaa lagu yiri war ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si hagar la’aan ah u garab taagan tahay Shacabka iyo Dowladda Itoobiya oo ku jira xaaladan adag

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa galabta booqday goobta uu ka dhacay shilka diyaaradeed ee nawaaxiga Degmadda Bishoftu oo 47-Km dhanka K/bari kaga toosan magaalladda Addis Abeba.

Wuxuuna murugada la qeybsaday Ehalada dadkooda ku waayay Bur burka diyaaradda Ethiopian Airlines,wuxuuna kula dardaarmay Samir iyo dulqaad iney muujiyaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada oo goordhow ka furmaya Jowhar

Magaalada Jowhar waxaa maanta lagu furayaa Shirka Madasha Arrimaha...

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka oo soo xiray wajiga labaad ee tababarka Nidaamka PISCES

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mudane...

Madaxweynaha Hirshabeelle oo xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha SoDMA

Madaxweynaha Hirshabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa xafiiskiisa Madaxtooyada...

RW Xamsa oo magacaabay wasiir ku-xigeen cusub

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha...