Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo safar shaqo ku tagay Baydhabo

Date:

Baydhabo (SNTV):- Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya G/sare Maxamed Aadan Jimcaale (Kofi) oo uu wehliyo Ku xigeenkiisa Mudane Xasan Cabdulqaadir Maxamed ayaa Safar shaqo ku tagay Magaalada  Baydhabo ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Agaasimaha ayaa waxaa Garoonka Shaati guduud kusoo dhoweeyay qaar kamid ah Wasiirada Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed iyo Saraakiisha Laanta 3-aad ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

Agaasimaha Guud iyo ku-xigeenkiisa ayaa xarunta madaxtooyada  Koonfur Galbeed kulan kula qaatey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), waxaana laga kwada hadlay sidii loo dardar gelin lahaa howlaha Hay’adda socdaalka Jinsiyaddaay ka heyso Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, iyo sidoo kale xoojinta wadashaqeynta hay’adda iyo maamulka.

Agaasimaha ayaa kormeer ku tagey qaar ka tirsan xaafiisyada Laanta 3-aad, wuxuuna warbixino ka dhageystay Saraakiisha Laanta, isaga  oo ku dhiira geliyay in ay shaqadooda u gutaan si hufnaan iyo xilkasnimo ku jirto.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Beeraha XFS oo ka qeybgalay Madasha Wasiiradda Beeraha adduunka.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS, Maxamed Cabdi Xayir...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS qeybgalay shir heer Wasiirro ah oo dalalka IGAD.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo booqday Dekadda caalamiga ah ee Tanger.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing.

1- President Hassan Sheikh Mohamud opened the 3rd Congress...