Wasaaradaha iyo hay’adaha federaaliga oo la faray in ay adeegsadaan cinwaannada rasmiga ah ee dowladda

Date:

Muqdisho (SNTV):-Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada ayaa sheegay in wasaaradaha iyo hay’adaha federaaliga laga doonayo in ay ka shaqeysiiyaan barahooda internetka, isla markaana ay adeegsadaan emailo laga sameeyay xafiisyada ay maamulaan oo leh astaanta .gov.so ee u gaarka ah isticmaalka hay’addaha dowlada ee federaalka ah.

Wasiir Cabdi Cashuur Xasan oo arrimahan ka hadlayay ayaa sheegay in Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada ay ka caawineyso wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee federaaliga ah sidii ay u sameysan lahaayeen baro internet oo ay dadweynaha ugu soo bandhigaan howlaha dowladda iyo wacyigelinta.

Isaga oo ka hadlayay arrimaha emailada, wuxuu wasiirku ku adkeeyay wasaaradaha iyo hay’adaha kale in ay adeegsadaan astaanta (.gov.so) si loo muujiyo muuqaalka iyo haybadda dawladnimo, looga hortago xiriirrada been-abuurka ah, isla markaana xafiisyada looga tago dhaxal, halkii mas’uulku cinwaankiisa gaarka ah kula tagi lahaa xiriirrada shaqo, taas oo dib-u-dhac u keeni karta howlaha xafiisyada.

“Dhammaan wasiirrada, wasiiru-dawlayaasha, ku-xigeennada, agaasimeyaasha guud iyo agaasime waaxeedyada waxaa loo sameeyay emailo ku saleysan xafiisyadooda, sidaas darted waxaa laga codsanayaa inay hawlahooda u adeegsadaan emailadaas, oo aan la isticmaalin email gaar ah, cinwaannadaasna lagu wareejin doono cidda xafiiska ay ku wareejinayaan,” ayuu yiri wasiirku.

Marka laga reebo isticmaalka, wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda waxaa laga doonayaa in cinwaannada loo isticmaalo warqadaha sumadeysan (letterheads), war saxaafadeedyada, boorarka xayeysiinta, ogeysiisyada warbaahinta, xayeysiinta shaqooyinka, kaarka business Card-ka, iyo dhammaan howlaha rasmiga ah ee dowladda in lagu isticmaalo emailada leh astaanta dawladda.

Ra’iisul wasaaraha dalka, Md. Xasan Cali Kheyre, oo kulanka ka hadlay ayaa ku adkeeyay wasaaradaha in ay isticmaalaan cinwaannada dawladda, lana joojiyo isticmaalka kuwa gaarka ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka...

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee...