Soomaaliya oo la wareegtay shir guddoonka Golaha Wasiirada Jaamacadda Carabta

Date:

Muqdisho (SNTV)—Dowladda Soomaaliya ayaa shalay la wareegtay kaltanka 151aad ee madaxtinimada xilligan ee Jaamacadda Carabta,iyadoo Muddo 6 bilood ah ayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah haynaysaa guddoominta.

Warka ayaa intaas ku daraya in muddada ay Soomaaliya heyso shir guddoonka golaha wasiirada Jaamacadda Carabta la qorsheynayo in shirmadaxeedka golaha Wasiirada Jaamacadda Carabta lagu qabto magaalada Muqdisho.

“Soomaaliya waxa ay si rasmi ah ula wareegeysaa shirguddoonka Golaha Wasiirada Jaamacadda Carabta, kulankiisa 151,aad, Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxa ay soo celinaysaa maqaamka Soomaaliya ay ku lahayd dunida si shirarka iyo shir madaxeedyada loogu qabto Caasimadda Muqdisho” ayaa lagu yiri warbixin kooban oo lagu qoray bogga Twitter ee xafiiska warfaafinta wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Tallaadabadaan ayaa qeyb ka ah horumarrada dowladda Soomaaliya ka sameeysay dhinaca diblumaasiyadda iyo iskaashiga Caalamiga ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee Shiinaha oo la kulantay howlwadeeno ka tirsan DF

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo Qaabishay Saraakiil Dowladeed ayaa...

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas...

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacadda Turkiye ee Ostim Teknik

U qeybsanaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee...

Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)

Qormadaani waxa aan si qoto dheer ah ugu hadli...