Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Jabuuti Ee Soomaaliya

Date:

Muqdisho (SNTV)- Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Djibouti ee Soomaaliya, Amb. Aden Xasan Aden.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Danjire Aden Xasan Aden ayaa ka wada hadlay xoojinta xariirka soo jireenka ah ee labada dal ee walaalaha ah, iskaashiga dhaqaalaha, ganacsiga iyo amniga.

Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa uga mahadceliyay shacabka iyo madaxda Djibouti sidii ay u garab istaageen Soomaaliya oo ay uga qayb qaateen dib-u-dhiska hay’adaha dawladeed ee dalka.

Danjire Aden Xasan Aden ayaa sheegay in shacabka iyo dawladda Djibouti ay waajib ku tahay is garab taagga iyo taageerada shacabka iyo dawladda Soomaaliyeed.

Labada dawladood iyo labada shacab ee Soomaaliya iyo Djibouti ayaa waxaa ka dhexeeya xariir soo jireen ah oo ku salaysan walaaltinno, is qadarin iyo is-garab istaag.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo ka hadlay daabulidda qalabka codbixinta.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay dayactirka Warta Boondheere. 

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fulisay deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan.

Muqdisho, Diseembar 16, 2025: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda...

Wasiirka Caafimaadka oo Furay Ololaha Tallaalka Cudurka Gowracatada

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...