Madaxweynaha JFS iyo Amiirka Qatar oo ka wada hadly xoojinta xiriirka labada dal

Date:

Dooxa (SNTV):-  Madaxweyne Farmaajo iyo Amiir Sheekh Tamiim ayaa kulankooda isla soo qaaday arrimo dhowr ah oo ku saabsan xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Qatar iyo danaha ay wadaagaan si loo helo iskaashi wax ku ool ah oo labada dhinacba faa’ido u leh.

Madaxweynaha iyo Amiirka ayaa isla gartay dardargelinta mashaariicda horumarineed ee ay Dowladda Qatar ka fulinayso Soomaaliya iyo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha oo muhiim u ah dib u soo kabashada dhaqaalaha guud ee Soomaaliya iyo isu socodka badeecadaha iyo dadweynaha.

Kulanka Madaxweynaha iyo Amiirka ayaa lagu lafo-guray siyaabihii ay Dowladda Qatar gacan uga geysan lahayd xoojinta amniga Soomaaliya, gaar ahaan dhismaha Ciidamada Qalabka sida, iyo sidii ay Dowladda Soomaaliya uga taageeri lahayd mashaariicda arrimaha bulshada sida caafimaadka, waxbarashada iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Labada dhinac ayaa waxay sidoo kale isla meel dhigeen in Dowladda Qatar xoogga saarto maalgashiga Soomaaliya, gaar ahaan kalluumeysiga, xoolaha, beeraha iyo tamarta oo qayb weyn ka qaadan doona abuuridda fursado shaqo oo ay ka faa’idaystaan dhallinyarada Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....