Golaha Wakiilada K/Galbeed oo cod aqlabiyed leh ku meel mariyay Golaha Wasiirada

Date:

Baydhabo(SNTV) Kalfadhigii 7-aad kulankiisi 2-aad oo ay isugu yimaadaan Golaha wakiilada Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ajandihiisu ahaa codka kalsooni siinta Golaha Wasiirada uu dhawaan soo dhisay madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/Casiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa kulankaasi oo uu shir guddoominayay guddoomioyaha Baarlamaanka kaga codsaday xildhibaanada in ay codka kalsoonida siyaan wasiirada uu dhawaan magacaabay,si loo dardargeliyo howlaha horyaala.

Intaasi kadib ayaa la gudaha galay ajandaha,waxaana soo xaadirtay 124 xubnood oo xildhibaano ah,kuwaasi oo cod aqlabiyed leh ku meelmariyay Golaha wasiirada Koonfur Galbeed,123 ayaana ogolaatay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed mudane C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye ayaa ku dhawaaqay natiijada,isagoo xusay in ay ansax yihiin xubnaha Golaha wasiirada Koonfur Galbeed,ayna gudan karaan waajibaadkooda shaqo ee loo igmaday.

Ugu dambeyntii madaxweynaah Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa uga mahadceliyay golaha baarlamanka sida ay kalsoonida u siiyeen golihiisa wasiirada.

Isla goobtaasi ayaa lagu dhaariyay wasiirada,waxaana lagula dardaarmay in ay si hufan u gutaan waajibaadka horyaala.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Taliyaha CXDS oo dhagax-dhigay Saldhigga degmada Howlwadaag.

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen. Sulub Axmed Firin ayaa...

Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Hirshabeelle oo Jowhar ku qabtay kulan dadweyne.

Qaar ka mid ah Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Baarlamaanka...

Ciidanka Xoogga oo toogtay naftii hallige khawaarij ah

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa afaafka hore ee xeradda...