Madaxweyne Farmaajo oo u hambalyeeyey Madaxweynaha dib loo doortay ee Nigeria

Date:

Muqdisho (SNTV) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dhambaal hambalyo ah u diray madaxweynaha Nigeria Maxamadu Buhari oo markale dib loo doortay.

‘’Nigeria waa dal taariikh ahaan xiriir xoogan uu inagala dhexeeyo,waxaana doonaynaa in aanu xoojino ilaaqaadka nagala dhexeeya,hambalyo madaxweyne Buhaari,waa aan wada shaqeyn doonaa’’. Ayuu yiri madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo dhambaalkan diray,isagoo ku sugan dalka Qatar.

Madaxweyne Buhari oo 76 jir ah ayaa k aguuleystay ninkii la loolamayay Atiku Abubakar 72 jir ah oo ahaa madaxweyne kuxigeenkii hore ee dalkaasi.

Codadkii l atiriyay ayaa Buhari wuxuu heley 15.2 Million halka Atiku Abubakar uu heley 11.3 Million,taasi oo ka dhigtay in Mr Buhari uu markale sii hogaamiyo dalkasi.

Ka qeybgalka dadweyne ee gobolada ayaa aad u yaraa,inkaasto dhanka Waqooyi ay badnaayen,waxaana Buhari uu ku guuleystey hanashada codadka gobolada dhaca dhinaca waqooyi ee dalkaasi Nigeria.

Sanadkii 2015 ayuu ku guuleystay in uu noqdo hoggaamiyihii ugu horeeyey ee mucaarad ah oo madaxweyne noqda,waxaana guushiisa ka sokoo horyaala arrimo badan oo ay kamidka yihiin xal u helidda ammaanka,iyo qalalaasiyaha dhinaca dhaqaalaha ee dalkaasi oo ah dalka ugu dadka badan qaaradda Afrika.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Tanzania oo horumarinaya iskaashiga ka dhexeeya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Xuska 65-sano guurada xornimada Soomaaliya oo Sucuudiga lagu qabtay

Ergada Soomaaliya ee fadhida Isbahaysiga Ciidamada Wadamada Islaamka ee...

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA QEYBGALAY XUSKA MAALINTA XORIYADDA IYO MIDNIMADA DALKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljirka dahsoon

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...