Shirka Saddex Billaha ah ee Cadaaladda oo lagu qabtay Muqdisho.

Date:

Muqdisho (SNTV)– Waa shir seddexdii biloodba mar ay isku yimaadaan bahda cadaaladda dalka iyo deeq bixiyeyaasha caalamka, kaasoo lagu soo bandhigo wax yaabaha laga qabtay arrimaha garsoorka iyo Cadaalada markaasi socda ee la doonayo in lagu sii hormariyo, waxaa ka qayb galay wakiilo ka socday dowladaha xubnaha ka ah Federaalka, gobolka Banaadir Wasaaradda Cadaaladda oo hormuud u ah xafiiska Ra’iisul wasaaraha iyo hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee arrimaha cadaalada ka shaqeeya, sidoo kale dowladaha Denmark iyo Holand ayaa ka mid aha ka qayb galayaasha shirka maanta.

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo furay shirka ayaa ka jeediyay Khudbad uu uga hadlay horumarka laga sameeyay arrimaha cadaalada dalka iyo dadaalka dowladda Soomaaliya ay ugu jirto in la sii balaariyo, isaggoo halkaa ka sheegay in dhawaan la dhisi doono golaha adeegga garsoorka iyo kan la dagaalanka Musuqmaasuqa.

Wasaaradda Cadaaladda ayaa shirka kusoo bandhigtay waxyaabihii u qabsoomay bilihii dambe waxaa sidoo kale la soo bandhigay daraasaad iyo xog uruurin laga sameeyay helitaanka cadaaladda ee bulshada, taasi oo laga sameeyay guud ahaan dalka.

Wasiirka Cadaaladda XFS ayaa markii uu soo idlaaday Shirka oo saacado qaatay ka hadlay muhiimada uu lahaa Shirkaasi iyo xogtii lagu soo bandhigay.

“Shirkaanw aa mid Seddexdii bilba mar aan yeelano bahda cadaaladda ee Heer federal iyo heer dowlad goboleed, waxaa nagala qayb galay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha iyo deeq bixiyaasha oo runtii ad u ammaanay xogta lagu soo bandhigay, waxaana uu qayb ka yahay shirarka looga hadlayo hormarinta hanaanka cadaalada dalka, waxaan rabnaa oo aan halkaana ka sheegnay in sanadkaan aan dhameestiri doono dhismaha guddiga la dagaalanka musuqmaasuqa iyo golaha adeega garsoorka oo hadda meelgaba-gaba ah noo maraya”ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...