Madaxweyne Farmaajo oo ka Qayb-gelaya Shirka Dalalka Carabta iyo Midowga Yurub

Date:

Masar (SNTV):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Masar si ay uga qayb-galaan Shir Madaxeedka dalalka Carabta iyo Midowga Yurub oo berri ka furmaya magaalada Sharma El-Sheikh.

Shir Madaxeedka dalalka Carabta iyo Midowga Yurub oo markii kowaad dalka Masar lagu qabanayo ayaa waxaa looga hadlayaa xoojinta iskaashiga u dhexeeya dalalka Carabta iyo Yurub, xallinta caqabadaha waddamada caalamka horyaalla sida tahriibka, iyo sidii wax looga qaban lahaa xasilooni darrada ka jirta qaar kamid ah dalalka Carabta.

Madaxweyne Farmaajo ayaa madaxda Carbeed iyo kuwa reer Yurub kala hadli doona sidii taageero dhan walba ah loogu fidin lahaa dowladda Soomaaliya oo ku hawlan dib u soo kabashada iyo dowlad-dhisidda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale shir-doceedyo la yeelan doona madaxda ka soo qayb-gelaysa shirka isaga oo kala hadli doona xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka Carabta iyo Yurub.

Masuuliyiinta iyo Diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee qaybta ka ah wafdiga Madaxweynaha ayaa dhankooda kulamo gaar ah la yeelan doona dhiggooda dalalka Carabta iyo Yurub, iyaga oo kala xaajoon doona sare u qaadidda iskaashiga iyo wada-shaqaynta ka dhexaysa.

Safarkan waxaa Madaxweynaha ku weheliya Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdulqaadir Sh. Cali Baqdaadi iyo La-taliyeyaal sare oo ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Caafimaadka Galmudug oo akhriyay warmurtiyeedka shirka maalgelinta caafimaadka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee...

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...