Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeyb galay Munaasabad lagu xusayay Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo

Date:

Muqdisho (SNTV) Xarunta Akademiyad Goboleedka Afka Soomaaliga ee AGA ayaa soo qaban qaabisay Munaasabadan lagu weyneynayay Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo taas oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana ka qayb galay Mas’uuliyiin uu ka mid yahay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS.

Dhalinyarada qorayaasha ayaa ka dhex muuqday barnaamijka iyadoo kooxda fanka ee Hiddo ayaa soo bandhigay hees ka turjumaya afka iyo muhiimadiisa.

Guddoomiyaha Akademiyad Goboleedka Afka Soomaaliga ee AGA Prof Maxamed Daahir Afrax ayaa si faah faahsan uga hadlay munaasabada waxaana uu ku dheeraaday sharaxaada muhiimada 21 Febaraayo, isagoo xusay in mudo todobaad ah ay socon doonaan Barnaamijyo lagu weyneynayo Afka kuwaas oo Akademiyadu Hormuud u tahay.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geele ayaa Akademiyada uga mahad celiyay qabashada Munaasabadan waxaana uu hoosta ka xariiqay sida dhalinyarada ay mas’uuliyad gaar ah uga saran tahay ilaalinta afka, waliba kuwooda qurbaha ku nool.

Sanad walba 21 Febraayo waxaa loo dabaal dagaa Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo iyadoo Soomaaliya si weyn looga xuso mar walbana la is xasuusiyo muhiimada ay leedahay in la weyneeyo la ilaaliyo laguna faano afka hooyo ee qaniga ah waxaa hormuud u ah hay’adaha u xilsaaran ee Akadamiyad goboleedka afka Soomaaliga ee AGA iyo sidoo kale Akadamiyada Cilmiga fanka iyo suugaanta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...