Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kormeeray Wasaaradda Maaliyadda.

Date:

Muqdisho (SNTV):-Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kormeeray xarunta wasaaradda maaliyadda si loo dardar geliyo hal-beegyada ku jira tubta horumarinta dhaqaalaha ee sida gaarka ah fulintooda looga doonayo wasaaradda.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa xarunta wasaaradda kula a kulmay wasiiru dawlaha iyo wasiir ku-xigeenka wasaaradda maaliyadda, oo uga xog-warramay heerka uu marayo qorshaha cafinta daymaha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu wasaaradda ku sugnaa waxa uu guddoomiyay shir ay la lahaayeen hawl-wadeennada wasaaradda, isaga oo faray in la xoojiyo qorshaha dardar-gelinta hannaanka dawladdu ay dib ula fal-gelayso hey’adaha dhaqaalaha iyo lacagta aduunka si loogu guulaysto himilooyinka umadda Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Danab oo deegaanka Towfiiq ku qabtay laba dhagar-qabe

Ciidamada Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa...

Soomaaliya oo u Diyaargarowday Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka

Soomaaliya waxa ay si weyn ugu diyaargarowday xuska Maalinta...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Faahfaahiyay Horumarka Geeddi-socodka Doorashada Degmooyinka Banaadir

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS),...

Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday

Waxaa hubaal ah in su’aasha ah “Wax dhaama dawladnimada...