Madaxweynaha JFS iyo Wafdigiisa oo xalay casho soo dhaweyn ah uu sameeyay dhiggiisa Burundi

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho shaqo ku jooga dalka Burundi ayaa waxaa xalay casho soo dhaweyn ah oo lagu maamuusayo isaga iyo wafdigiisa u sameeyay dhiggiisa dalkan  Mudane Pierre Nkurunziza.

Wafdiga qaybta ka ah booqashada Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya ayaa kulamo lagu lafo-gurayo adkaynta wada shaqaynta ka dhexaysa labada dal iyo danaha ay wadaagaan waxa ay la qaadanayaan dhiggooda dalka Burundi.

Burundi waxay ka mid tahay waddamada dadaalka ku bixiya xasilinta Soomaaliya, waxaana ciidankoodu qayb ka yahay Ciidamada Nabad Ilaalinta ee AMISOM.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah socdaalada lagu xoojinayo xiriirka dalalka Afrika, si la isaga kaashado dhibaatooyinka iyo caqabadaha jira,la isuna weydaarsado khibradda muhiimka u ah horumarka iyo dowlad-dhiska.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud spoke with the re-elected...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadal Khadka telefoonka...

Guddoomiyaha SoDMA oo howla shaqo ku jooga dalka Pakistan oo booqday Hay’adda NDMA. 

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle...

Wasiirka Wasaaradda Teknoolojiyadda XFS oo ka qeyb galay shirka Golaha Wasiirrada Isgaarsiinta Carabta.

Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa martigelisay shir heer...