Wasiirka Waxbarashada XFS iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta oo shahaadooyin guddoonsiiyay Maxaabiis ku xiran Xabsiga Dhexe

Date:

Muqdisho(SNTV):- Wasiirka Waxbarashada Xukumada Fedaraalka ah ee Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa waxaay ka qeyb galeen xaflad shahaadooyin lagu gudoonsiinayay maxaabiis ku xiran Xabsiga Dhaxe ee Xamar.

Maxabiistaan oo tiradood gareysa 38-ruux ayaa waxay barteen xirfado kala duwan oo ay ka mid tahay saxaafada iyo computarka  oo ay ka barteen iskuulka rajo oo ku dhex-yaal  gudaha Xabsiga dhex  ee Xamar.

Taliyaha Ciidanka Asluubta  Soomaaliyeed sareeye guud Bashiir maxamed jaamac ayaa wax lagu farxo ku tilmayay in maxaabiis lagu soo eedeyay dambiyo kala duwan taliska ciidanka asluubta ay baraan xirfado mastaqbalkooda wax u tari kara.

Taliyaha ayaa ku dhiirageliyay maxaabiista maanta shahaadooyinka la gudoonsiiyay iney ka waan tooban dambiyada loo heesto.

Qarkamid ah maxaabiista maanta qalinjibiyay ayaa sheegay iney ku faraxsan yihiin guusha ay gaareen iyagoo xabsiga ku jira,waxayna uga mahad celiyeen taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo fursadaan siiyay.

Wasiirka Waxbarashada  Xukuumada federaalka ah ee Soomaaliya  Cabdullaahi Goodax Barre ayaa bogaadiyay talaabada taliska Ciidanka Asluubta ay qadeen oo  ku aadan waxbarashada maxaabiista.

Madaxda sare ee dalka ayaa ku bogaaday taliska Ciidanka Asluubta tallaabooyinka horumarka leh ay ka wadaan xabsiga dhexe iyo Maxaabiista ku xiran.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Boliiska oo xariga ka jaray Dhismaha Dugsiga Qur’aanka Kariimka ee Gabdhaha Agoonta Boliiska

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...

Qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada oo kormeer ku tagay goobaha laga qaadanayo kaarka codbixinta

Qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Amniga Gudaha oo Hey’adda UNDP kala wareegay gaadiid loogu talagalay hay’adaha amniga

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo shacabka Caasimadda ugu baaqay inay qaataan kaarka codbixinta

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan...