Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kulan La Qaatay Guddiga Badbaadinta iyo soo celinta hantida Qaranka

Date:

Muqdisho (SNTV)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa kulankiisii ugu horreeyay maanta la qaatay guddiga badbaadinta iyo soo celinta hantida qaranka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa guddiga talo ka siiyay hannaanka ay u gudanayaan waajibaadka laga doonayo, isaga oo ku dhiirri geliyay samaynta Istaraatiijiyd ku habboon dar-dargelinta mas’uuliyadda ka saaran badbaadinta iyo soo celinta hantida qaranka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha guddiga, ahna wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee xukuumadda fedraalka Soomaaliya, mudane Cabdullaahi Goodax Barre, oo ka warbixiyay shirka ayaa sheegay in kulankooda maanta looga hadlay qorshaha waxqabadka guddiga ee sannadkaan 2019, ayna Ra’iisul Wasaaraha kula wadaageen hannaanka ay u qaabeeyeen shaqada ay qabanayaan.

Wasiir Cabdullaahi Goodax ayaa sheegay in guddiga iyo Ra’iisul Wasaaruhu ay isla garteen in shaqooyinka guddiga la haleeshiiyo tubaha qaranka iyo in wasaarad waliba ay sannadkaan gacanteeda kusoo celiso ugu yaraan sedax hanti dawladeed oo aan cid gaar ah gacanta ku hayn iyo laba hanti dawladeed oo gacanta ugu jirta shaqsiyaad ama shirkado gaar ahna, sidoo kalana isla sannadka gudihiisa laga shaqaysiisyo, si bulshada Soomaaliyeed ay uga faa’iidaystaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Gaashaandhigga Rwanda oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cumar...

Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey oo kala saxiixday Hagaha Ilaalinta Carruurta ee 2025.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta kala...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sucuudiga ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...