Muqdisho (SNTV)- Xoghayaha joogta Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Aadanย ayaa maanta gaaray magaaladda Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Jubbaland, waxaana ย socdaalka ku wehlinayo Khubarro iyoย qaar kamid ah Shaqaalaha Wasaaradda Qorsheynta.
Waxaa garoonka diyaaradaha ee ย Magalaadda Kismaayo ku soo dhaweeyay Waftiga Wasiirka Qorsheyntaย Jubbaland ย iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulkaasi.
Wasiirka Qorsheynta Jubbaland ย oo qeybta soo dhaweynta garoonka diyaaradda Magaalada Kismaayo kula hadlay warbaahinta ayaa soo dhaweeyay wafdiga, waxuuna intaasi ku daray in ka jubbaland ahaan ay soo dhaweeynayaan Watashiga Wareegga koowaad ee Qorshaha horumarinta Qaranka Sagaalaad.
Xoghayaha joogta Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Aadan, ayaa sheegay in dalka oo dhan si rasmi ah ugu daah furmay wadatashiga wareegga koowaad eeย Qorsahaha Horuminta Qaranka Sagaalaad, tasoo ahmiyada laga leeyahay ay tahay in dhammaan Ummadda Soomaaliyeed talooyinkooda la dhageysto iyo waxyaabaha ahmiyada u leh in qorshaha sagaalaad lagu cadeeyo.
Waftiga uu hoggaaminayo Xoghayaha joogta Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS ayaa Magaaalada kismaayo ku sugnaan doona muddo afar maalmood ah, si wadatashiย siman loola yeesho dadka ku nool Jubbaland.
W/D:-Abdirishiid Nuur Ibraahim




