Muqdisho-(SNTV)-Shir looga tashanayo hannaanka wacyi-gelinta Bulshada oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya kana qeybgaleen, wakiillo ka kala socda maamul Goboleedyada Dalka iyo xubno ka tirsan Bulshada rayidka ah ayaa Maalintii Labaad ka socda Magaalada Muqdisho.
Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Yuusuf Sheekh Al-caddaala, oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in shirkani uu ahmiyad gaar ah u leeyahay mideynta habka wacyigelinta Bulshada, wuxuuna yidadiilo ka muujiyay in ay natiijooyin wanaagsan kasoo baxaan.
Shirkan ayaa qeyb ka ah qorshaha wasaaradda warfaainta dhaqanka iyo dalxiiska ay ku dar-darqgelineyso howlaha loo igmaday ee Qaranka.
Shirka Wadatashiga Qorshaha howl-fulineed ee Istiraatiijiyadda Wacyi gelinta Qaranka ayaa waxaa Shalay daah-furay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Daahir Maxamuud Geelle.
W/Q: Nimc Maxamed Maxamuud