Dowladda Soomaaliya oo soo dhaweysay go’aano Ka soo baxay Shirka Midowga Afrika

Date:

MUQDISHO (SNTV)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go’aanno ka soo baxay Shirka Midowga Afrika kuwaasi oo lagu taageeray shacabka iyo dowladda Soomaaliya iyo dadaalada loogu jiro cafinta deymaha ee dalka arrintaasi oo muhiimad gaar ah u leh nabadda iyo horumarka dalkeena Soomaaliya, Maadaama ay tahay mid ku horgudban taageeradii hay’adaha Caalamiga ee Dhaqaalaha Adduunka.

“Dowladda Soomaaliya waxaa ay ku howlan tahay oo ay ka shaqeynaysaa dadaalada horumarinta iyo dib u habeynta hanaanka maamul maaliyadeed ee dalka, si loogu guuleysto qorshaha deyn cafista ee Soomaaliya, si loo helo horumar waara, go’aanka Midowga Afrika waxaa uu iftiiminayaa xiriirka iskaashi iyo taageerada ka dhexeysa Afrika”,.

Qoraalkan oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay xushmaynayso in Midowga Afrika uu muhiimad gaar ah siinayo dowrka Soomaaliya ee Midowga iyo Wax-wada-qabsiga, iyo taageerada ay Soomaaliya u muujiyeen, ka xubin ahaan waxaana Soomaaliya dhiirogelin u ah taageeradaasi waana sii wadaynaa iskaashiga ka dhexeeya guud ahaan Xubnaha Midowga.

“Intaasi waxaa sii dheer dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ay taageersantahay qaraarka ka soo baxay shirka Midowga Afrika ee sanadka, kaasi oo muhiimad gaar ah ugu fadhiya guud ahaan Ururka iyo gaar ahaan Soomaaliya, kuwaasi oo kamid ahaa xaaladaha kala duwan sida Nabadda Amniga, iyo Arrimaha Beni’aadanimo, iyo Dhamaan dadaalada ku aadan aragtida ku dhisan dhaqan-gelinta Qorshayaasha Horumarnineed ee Qaaradda”. Ayaa lagu yiri qoraalka.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Gaashaandhigga oo daahfuray Kulanka Furitaanka Golaha Difaaca Qaranka

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Wasiirka Tamarta oo kormeer shaqo ku tagay xarumo koronto bilaash ah ay wasaaraddu ka hirgalisay Dhuusamareeb

Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha XFS, Mudane Cabdullaahi Bidhaan...

Ciidanka NISA oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa howlgal...

Wasiirka Tamarta oo kormeer shaqo ku tagay xarumo koronto bilaash ah ay wasaaraddu ka hirgalisay Dhuusamareeb

Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha XFS, Mudane Cabdullaahi Bidhaan...