Dowladda Soomaaliya oo soo dhaweysay go’aano Ka soo baxay Shirka Midowga Afrika

Date:

MUQDISHO (SNTV)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go’aanno ka soo baxay Shirka Midowga Afrika kuwaasi oo lagu taageeray shacabka iyo dowladda Soomaaliya iyo dadaalada loogu jiro cafinta deymaha ee dalka arrintaasi oo muhiimad gaar ah u leh nabadda iyo horumarka dalkeena Soomaaliya, Maadaama ay tahay mid ku horgudban taageeradii hay’adaha Caalamiga ee Dhaqaalaha Adduunka.

“Dowladda Soomaaliya waxaa ay ku howlan tahay oo ay ka shaqeynaysaa dadaalada horumarinta iyo dib u habeynta hanaanka maamul maaliyadeed ee dalka, si loogu guuleysto qorshaha deyn cafista ee Soomaaliya, si loo helo horumar waara, go’aanka Midowga Afrika waxaa uu iftiiminayaa xiriirka iskaashi iyo taageerada ka dhexeysa Afrika”,.

Qoraalkan oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay xushmaynayso in Midowga Afrika uu muhiimad gaar ah siinayo dowrka Soomaaliya ee Midowga iyo Wax-wada-qabsiga, iyo taageerada ay Soomaaliya u muujiyeen, ka xubin ahaan waxaana Soomaaliya dhiirogelin u ah taageeradaasi waana sii wadaynaa iskaashiga ka dhexeeya guud ahaan Xubnaha Midowga.

“Intaasi waxaa sii dheer dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ay taageersantahay qaraarka ka soo baxay shirka Midowga Afrika ee sanadka, kaasi oo muhiimad gaar ah ugu fadhiya guud ahaan Ururka iyo gaar ahaan Soomaaliya, kuwaasi oo kamid ahaa xaaladaha kala duwan sida Nabadda Amniga, iyo Arrimaha Beni’aadanimo, iyo Dhamaan dadaalada ku aadan aragtida ku dhisan dhaqan-gelinta Qorshayaasha Horumarnineed ee Qaaradda”. Ayaa lagu yiri qoraalka.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir Cali Xoosh oo bogaadiyey doorka Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda...

Wasiir Al-Cadaala oo ka hadlay guulaha laga gaaray dagaalka khawaarijta

Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo hadal ka jeediyay munaasabad...

Wasiir Cali Xoosh “Dowladdu way dhistay Guddiga Doorashooyinka Qaranka balse ma fara-gelinayso shaqadooda.”

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay danjirayaasha Talyaaniga iyo Turkiga

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta ee Jamhuuriyadda...