Wasiirka Warfaafinta XFS oo Maanta daahfuray shirka Wadatashiga Qorshaha Howl-fulineed ee Istiraayiijiyadfa Wacyi gelinta Qaranka

Date:

Muqdisho (SNTV) Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Daahir Maxamuud Geelle  ayaa maanta daahfuray shirka Wadatashiga Qorshaha Howl-fulineed ee Istiraayiijiyadfa Wacyi gelinta Qaranka oo ay ka soo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada iyo dowlad goboleedyada dalka.

Shirkan ayaa socon doono muddo Sedex cisho ah iyadoo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS uu sharxaad guud ka bixiyay Istiraayiijiyadfa Wacyi gelinta Qaranka waxuuna sheegay in loo baahanyahay in dadka Soomaaliyeed laga wacyi galiyo fikirka xagjirka ah.

Wasiirka Warfaafinta XFS ayaa ka hadlay ilaalinta Dowladnimada iyo xirririka wanaagsan ee Bulshada iyo Dowladda u dhaxeeya isagoo dhanka kale ka hadlay Isqaadashada umadda in ay muhiim tahay.

Waxaana ka qeyb-galay Wasaaradaha Warfaafinta Dowlad Gobeelyada, Culimaa’udiinka, Saxaafadda Badaxa Banaan iyo Ururada Bulshada Rayidka iyadoo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta Waana markii labaad oo la qabto shirka Istiraayiijiyadfa Wacyi gelinta Qaranka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)

Qormadaani waxa aan si qoto dheer ah ugu hadli...

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo Guddoomiyaha SODMA uga waramay xaaladda bini’aadanninimo ee Galmudug

Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo Guddoomiyaha Hay’adda...

Warbixinta Toddobaadlaha ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxay

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Qaahira kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo La Kulmay Waxgaradka Beelaha Dega SSC-Khaatumo

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...